Deeq kala Duwan oo La Gaarsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Magaalada Baydhabo oo ay Ku jiraan bukaano Qaba Cudurka Dhimirka.

0
512

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ku dhowaad 138 Bukaan qaba Cudurka Dhimirka ayaa ku jira Xarunta Dhimirka iyo Daryeelka Bulshada oo aan Helin Kaalmo Joogta ah Marka Laga soo Tago Caawimaadyada kala duwaan La Gaarsinayo waxaana maanta Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hormuud ka yahay wasiirka maaliyada maamulka ay gaarsiiyeen xarunta dhimirka ee Magaalda Baydhabo rashiin isugu jiro Bur,Bariis,Saliid iyo kuwa kale.

Arintan ayaa Timid Markii Arlaadi Radio ay baahisay Warbixin la xariirta Xaalada Daruufaha nololeed ay ku jireen dadka dhimirka ka xanuunsan ee lagu dabiibo Xaruunta Dhimirka ee Magaalda Baydhabo

Warkan Waxaa inoo haya Bishaar Mayow Muktaar

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here