Dadka Barakacyaasha ee ku nool kaamamka ku yaala duleedka Degmada Baydhabo oo Cabasho ka soo yeertay

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dadka barakacyasha ah ee  ku nool kamamka ku yaala agagaarka Ceelboorka Degmada Baydhabo ayaa loo qabtey mudo dhan hal bil oo ay kaga guuraan goobtaasi ,iyagoo masuuliyiinta maamulka koonfur galbeed uu ka soo yeeray hadalkaasi ayaa Gudoomiyaha kaama indhooliyaasha Al aamin ee Degmada Baydhabo Saciid Cusmaan Xaaji Gaabow sheegay in ay kaamkiisa ay ku noolyihin ilaa boqol iyo sodon qoys oo indhoole ah, wuxuuna tilmaamay in ay ku adag tahay sidii ay ku guuri lahayeen .

Sidoo kale Gudoomiyaha kaamka indhooliyaasha ee Al Aamin  ayaa faafaahin ka bixiyay sida ay u arkaan arintaasi, isagoo sheegay in ay dadka kaamka ay yihiin kuwa iska dhibaateysan ayna u dheertahay in ay yihiin indhooliyaasha.

Warkan waxaa noo heya Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here