Chelsea vs Bayern Munich oo Caawa kulanka ka dhacaya London ee Champions League isku arkeya.

0
424

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Chelsea ayaa lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League caawa la ciyaareysa kooxda Bayern Munich kaddib markii ay guul ka gaareen Tottenham Hotspur.

Dhinaca kale kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa u safreysa garoonka Stamford Bridge, iyagoo hooggaanka u horyaalka Bundesliga kaddib guul adag oo ay ka gaaray Pederborn.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Taariikhda: Talaado, 25 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga Chelsea Andreas Christiensen kaasoo ciyaaray 90\daqiiqo kulankii kooxdiisa ay 2-1 uga adkaatay Tottenham Sabtidii ayaa wajiga waxaa ugu duubnaa Mask ama cinjir jugta ka difaaca, waxaana uu ku soo bilaaban karaa kulakan.

Ruben Loftus-Cheek ayaa taam u ahaa inuu keydka fadhiyo Sabtidii, laakiin Frank Lampard ayaa u fududeyn doona laacibkan khadka dhexe inuu ugu yaraan daqiiqado kooban ciyaaro kulankan, isagoo aan xilli ciyaareedkii oo dhan ciyaarin.

Tammy Abraham ayaa dib u soo laabtay isagoo bedel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii dhowaa, wuxuuna rajeynayaa inuu ku sii nagaado garoonka oo uu ciyaaro kulanka caawa.

Bayern Munich ayaa isku day-day oo ku guuldarreysatay saxiixa  Callum Hudson-Odoi bishii Janaayo ee la soo dhaafay, laakiin dhaawac muruqa ah ayaa xiddigan garabka ka dheela, laakiin dhaawac muruqa ah ayaa laga yaabaa inuu garabka ka maqnaado kulankan, Willian ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto safka kooxda.

Dhanka kooxda Bayern Munich waxaa wali ka maqan labada ciyaaryahan Ivan Perisic iyo Niklas Sule, inkastoo kan dambe uu sare u sii qaaday soo laabashadiisa dhaawac jilibka ah.

Javi Martinez waa la qiimeyn doonaa xaaladdiisa, waxaana rajeynayaa inuu kasoo muuqdo waxoogaa daqiiqado ah kulankan.

Hans-Dieter Flick lama filayo inuu isbeddello aad u tiro badan ku sameeyo shaxdiisa safka hore ee uu jecel yahay inuu mar waliba ku soo galo garoonka.

Hadda Lucas Hernandez ayaa ku soo laabtay taam ahaanshihiisa, Jerome Boateng ayaa la filayaa inuu ka baxo kooxda.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kulankii ugu dambeeyey ee Champions League ku dhexmara labadaan kooxood ee Chelsea iyo Bayern Munich ayaa waxa uu ahaa final-kii 2012-kii, markaasoo kooxda reer London ay ku adkaatay rigooreyaal 4-3, kaddib ciyaar la isku mari waayey 1-1, waxaana uu kulankaasi ka dhacay garoonka Bayern ee Allianz Arena.

>- Afartii kulan ee hore ee tartammada oo dhan ee u dhexeeyay Chelsea iyo Bayern Munich waxaa la iska dhaliyay 17 gool, taasoo celcelis ahaan  ciyaar kasta la iska dhaliyey goolal dhan 4.25.

>- Chelsea ayaa gaartay wareegga 16-ka Champions League 14 jeer 17 xilli ciyaareed tan iyo 2003/04 – kaliya Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ku faani kara kulamadaas ka badan waqtigaas, si kastaba ha noqotee, Blues ma aysan ka soo gudbin wareegga 16-ka tan iyo kal ciyaareedkii 2013/14.

>- Bayern Munich ayaa gaartay wareegga 16-ka Champions League xilli ciyaareedkii 12-aad oo isku xiga – kaliya Real Madrid (23) iyo Barcelona (16) ayaa ka horreeya, Kooxda Bavarian-ka ayaa dhaaftay wareegga 16-ka 7 ka mid ah siddeedii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, waxaana kaliya ee la reebay xilli ciyaareedkii hore markii ay Liverpool ka cirib-tirtay tartankan.

>- Chelsea ayaa badisay kaliya mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay Champions League oo ay ku ciyaareen garoonka Stamford Bridge (4 Barbaro iyo 1 Guuldarro), halkaas kulanna waa guul 2-1 ah oo ay ka gaareen Lille bishii December ee la soo dhaafay.

>- Macallinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa saddex gool ka dhaliyey afar kulan oo Champions League uu ku wajahay Bayern Munich isagoo ciyaaryahan ah, wuxuu sidoo kale gool u rogay mid ka mid ah rigoorooyinkii ay guusha kaga gaareen kooxda Bavarian-ka final-kii 2012.

>- Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 10 gool xilli ciyaareedkan Champions League.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here