Ardeyda Degmada Xudur oo manhajka cusub ee dugsiyada hoose iyo dhaxe soo dhaweeyey.

0
305

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare  dowlada fadaraalka ee soomaliya mudooyikaan ay wadey qeybinta manhajka cusub ee dugsiyada hoose iyo dhaxe ayaa waxey degmada xudur ee xaruunta gobalka bakool ka bilowdey qeybinta manhajka  iskuulada ku yaala degmada Xudur.

Qeybinta bugaagtaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa baxda waxbarshada degmada iyo tan gobolka bakool.

Uga horeen Qaar ka mid ah ardeyda loo qeybiyey bugagata manhajka cusub  ayaa warbaahinta la hadley iyagoo dowlada uga mahadceliyeen dedaalada wanaagsan ay soo gelisey in ay helaan Buugagtaan.

waalidiinta dhaley ardada ayaa ku tilmameyn manhajkaan  in ay tahay mid hormar laga sameyey dhanka waxbarshada tan iyo burburkii dalka.

Macalimiinta xudur ayaa Sheegay  in si wanagsaan ay uga faideynayaan Ardeyda Buugagtaan Waxeyna Sidoo kale ay dowlada iyo maamulka  ka codsadeyn in wax laga badelo dhanka xafiisyada ku qoraan luuqada ingriiska oo loo badelo af somali si ay isku fahmaan ardeyda iyo macalimiinta.

Maamulka Waxbarashada oo bixinayey manhajka cusub ee bakool ayaa dhankooda sheegey in soo dhamatey jahwarerkii manhajada dalka mudo 30 sano ka dibna somalia hal manhaj leedahay macaliminta ayey kula dardarmeyn iney ugu faideyaan ardeyda.

Sedeed ka mid ah iskuulada xaruunta gobollka bakool ee xudur ayaa nasiibka u yeesheen iney helaan manhajka cusub ay wasarada waxbarashada soo sartey.

Radio Arlaadi:- Rahma Salaad Abdullahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here