Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Baydhabo oo dayactir ku socda.

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Meelaha qaar ee wadooyinka baydhabo weli waxaa ka socda dib udhisida iyo dayactirka wadooyinka qaar ee degmada baydhabo ee xaruunta gobalka baay, waxaana qeyb ka ah xaafadaha oo ah meelo cariiri ah, waxaana maamulka gobalka baay iyo kan degmada ay wadaan in ay burburiyaan guriyaha sida sharci darada ah jidadka uga dhisan.

Gudoomiyaha Gobalka baay Cali wardheere cabdiraxmaan ayaa kormeer ku tagay jidadkaasi dib u dhiska ka socda, wuxuuna kormeerka kadib warbaahinta uga warbixyey wadooyinka dhismaha hada ku socda isagoona bulshada  baydhbao ku nool u sheegya in ay ka qeyb qaataan dib u dayactirka  wadooyinka magaalada baydhabo.

Radio Arlaadi:- Abdirahman Yusuf Hassan Soori

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here