Afar gabdhood oo walaalo ah oo hal mar wada dhashay, hal marna wada aqal galaya dalka Hindiya.

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)- gabdhood ee walaalaha ah, oo kasoo jeeda gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, waxay hooyadood dhashay hal maalin, noloshooda oo dhanna waxay kusoo qaateen qaab isku mid ah – iyagoo hal nooc oo raashin ah cunaya, hal nooc oo dhar ahna wada xiranaya – iyo xitaa iyagoo hal kursi uga fariisanayay fasalka iskuulka, ilaa inta ay ka gaarayeen 15 sano.

Hadda dhammaan gabdhahan walaalaha ah waxay aqal galayaan hal maalin.
Iyagoo shan carruur ah ayey mar qura kasoo wada baxeen calooshooda(Qofka shanaad waa wiil walaalkood ah).

Maalintii ay dhalanayeen waxay soo jiiteen indhaha dadweynaha, warbaahinta oo dhan ayaana hadal heysay.

Afarta gabdhood ee walaalaha ah, oo kala ah Uthra, Uthraja, Uthara, Uthama iyo walaakood Uthrajan waxay dhasheen 18-kii bishii November ee sanadkii 1995-kii, waxayna doonayaan in ay hal mar wada aqal galaan 26-ka bisha April ee sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here