Kalidou Koulibaly oo ku war-galiyay madaxda sare ee Kooxda Napoli inuu doonayo inuu tago

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daafaca dhexe ee kooxda Napoli, Kalidou Koulibaly ayaa lagu soo waramayaa inuu ku war galiyay madaxweynaha kooxda ee Aurelio De Laurentiis inuu diyaar u yahay inuu ka tago Stadio San Paolo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

28-sano jirkaan ayaa qandaraaska uu ku joogo Naples waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2022-23, waxaana weli la la xiriirinayaa kooxo waa weyn oo Yurub ah.

Manchester United ayaa loo maleynayaa inay xiiso u hayso Kabtanka Senegal, inkastoo lacago waali ah ku qarash-gareeyeen Harry Maguire suuqii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Il Mattino, taleefanka uu kula hadlay madaxdweynaha kooxda ee De Laurentiis, Koulibaly wuxuu daaha ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu ka tago Napoli xagaagaan haddii dalab soo jiidasho leh u yimaado.

Si kastaba ha ahaatee Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in daafacan uu sidoo kale caddeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu la sii joogayo kooxda Maafiyada dalka Talyaaniga ee Napoli hadii ay go’aansadaan inaysan mamnuucin bixitaankiisa.

Warbixin dhowaan la soo saaray ayaa daaha ka qaadaysa in Red Devils ay la imaan doonto dalab ugu yaraan 100 milyan oo euro oo u dhiganta 86.5 milyan oo gini haddii ay rabaan saxiixa Koulibaly xagaagan.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa aad u xiiseynayey xiddigan xulka qaranka Senegal ee Koulibaly kaas oo iminka ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka.

Kalidou Koulibaly ayaa kooxda Napoli ku soo biiray sanadkii 2014-kii, isagoo ugu soo biiray naadiga Genk, wuxuuna u saftay kooxdiisa Napoli 173 kulan, isagoo u dhaliyay 10-gool oo qura.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here