Masaajida Maka iyo Madina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada ah

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Carabiya ayaa joojisay in gebi ahaanba salaaddaha jamaacada lagu tukado gudaha iyo bannaanka labada masjid ee barakaysan ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Go’aankan lagu joojiyay salaadaha jamaacdaha ee Masjidka Xaramaynka iyo Masjid an-Nabawi, ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina ayaa lagu sheegay mid ku meel gaar ah.

Mar sii horreysay, Talaadadii, Sacuudiga ayaa joojiyay in salaadda lagu tukado dhammaan masaajida kale.

“Dowladda, waaxda ammaanka iyo saraakiisha caafimaadka waxay go`aansadeen in la hakiyo salaadaha jamaacada ee Masjidka Weyn [Masjid al-Xaram] iyo Masjidka Nabiga [Masjid al-Nabawi],” sidaa waxaa yiri Hani bin Hosni Haider, oo ka tirsan maamulka labada masjid.

Sacuudiga waxaa Khamiistii laga helay 36 kiisas cusub oo fayraska ah, taas oo guud ahaan tirada kiisaska ka dhigeysa 274. Ma jirta ilas iyo hadda qof cudurkaasi ugu dhintay gudaha Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here