Antoine Griezmann oo ka qayb qaadanaya dib ugu soo laabashada Neymar ee Kooxda Barcelona

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bogga hore ee majaladda Sport ayaa lagu qoray in Barcelona ay u lacag u aruursaneyso saxiixa xiddiggoodii hore ee Neymar, waxaana ay hadda dooneysaa in Antoine Griezmann ay suuqa dhigaan xilli xagaagii hore ay 120 milyan oo euro kula soo saxiixdeen.

Haddaba Wargeyska Sport ayaa ku warramaya in Blaugrana ay diyaarineyso qaabkii ay ku iibin lahayd weeraryahanka Faransiiska ah, si ay lacagaha iibkaas ay kaga helaan ugu soo qaataan laacibka Paris Saint-Germain weerarka kaga ciyaara ee Neymar Jr.

Image result for Griezmann could be sold

Laacibkii hore ee Atletico Madrid ayaa horraan la la xiriiriyay PSG ka hor inta uusan xagaagii aynu soo dhaafnay doorranin ku biirista kooxda Camp Nou ka dhisan, sidaas darteed, waxaa jirto suuro-galnimo kale oo ah isdhaafsi, maadaama kooxda reer Catalonia ay ku adag tahay inay miiska saaraan qiimaha dhiggeeda ay dul saartay Neymar.

Wararka qaar ayaase sheegaya in Barca ay reeban doonto Griezmann haddii ay hesho fursad kale oo ay ku soo ceshan karto garabka reer Brazil, iyadoo aysan iibin 29-jirka ku guuleystay koobkii Aduunka ee 2018.

Griezmann ayaa Barcelona kaga soo biirray kooxda Atletico Madrid horraantii bishii July ee sanadkii hore, kaddib markii ay difaacdayaasha horyaalka La Liga miiska saareen qiimihii lagu jabinayay heshiiskiisa oo ahaa 120 milyan oo euro, xilligaasna laacibkan waxa uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here