Dastuurka Ku meel gaarka Dalka Ayaa wuxuu Shegayaa in Dumarka ay qoondadooda ka mid noqoshada xubnaha hay,adaha dowlada ay tahay boqolkiiba 30- Taasi waxey ay tahay in Ay Xubin ay ka leeyihin xillibanada ,wasiirada,maamul goboaleedyadaa,Agaasimiyaasha iyo Shaqooyinka Dowlada .
Haweenka ayaa ah kuwa mar walba diyaar u ah iney raadsadaan waxyaabaha xaqa ay u leeyihiin balse waxey kulan walba ay ku shegaan in aan si rasmi ah loo siiineynin qoondada sheegaya dastuurka dalka.
Odeyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed waxey ogolaaden tiirada xildhibanada Mamulka koonfur galbeed oo ah 95 Balse ma aysan shaacinin qoondada Haweenka, walow Afayeenka Odeyaasha Sheegey iney wadaan kulan ku adaan hanaan qeybsiga barlamanka, hadana waxaa si dardar leh u socda kulamo ay isku imaaneyaan dumarka daneeya siyaasada iyo kuwa wax baartey, Kuwaaasi oo u jeedkooda yahay in ay ka soo muuqdaan siyaasada maamulka si gaar ah xildhibaanada labaad ee golaha wakiilada koonfur galbeed.
qaar ka mid ah bulshada baydhabo oo ay tahay halka lagu wado in ay ka dhacdo doorashada barlamanka ayaa waxaa ay ka hadleen doorka haweenka iyo sida ugu haboon ay ku heli lahaayeen xaquuqdooda siyaasadeed.