Xiddigaha Ugu Cadcad Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ingariiska Ee PFA Player of the Year Oo La Shaaciyay.

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaaneysa inay hanato horyaalka Premier League iyagoo ku hogaaminaya 16 dhibcood islamarkaana uu weli kulan kale u sii harsan yahay.

Waxaa haatan soo haray in ciyaartoydooda si shaqsi ah loogu aqoonsado gacanta ay ka geysanayaan sida ay u qabsadeen horyaalka Ingariiska.

Virgil van Dijk ayaa si ciriiri ah ku seegay abaalmarinta Ballon d’Or oo uu qaaday Lionel Messi laakiin taasi waa ay isbedeli kartaa sannadkan 2020.

Waxay sidoo kale u muuqataa in ciyaaryahan Liverpool ah uu ku guuleysan doono abaalmarinta xiddiga sannadka horyaalka Premier League ee PFA.

Waa run inay dhif iyo naadir tahay in abaalmarinta uu qaado ciyaaryahan aan horyaalka Premier League ku guuleysanin sidaasi darteed waxay u badan tahay inay abaalmarinta aado dhanka Liverpool.

Xiddigaha Liverpool ayaa ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta PFA Player of the Year.

10ka xiddig ee haatan ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta, kooxda hogaamineysa horyaalka waxay ku leedahay lix ciyaartoy iyadoo Sadio Mane uu hogaaminayo.

Wargeyska Daily Mail ayaa soo saaray 10ka xiddig ee ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta PFA Player of the Year.

1. Sadio Mane

2. Kevin de Bruyne

3. Trent Alexander-Arnold

4. Jordan Henderson

5. Virgil van Dijk

6. Jamie Vardy

7. Raheem Sterling

8. Mo Salah

9. Sergio Aguero

10. Roberto Firmino

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here