Xiddig ka tirsan Kooxda Liverpool oo laga helay Korona

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiriirka kubadda cagta Switzerland ayaa ku dhawaaqay in Xherdan Shaqiri uu ku dhacay Korona Fayras, waxaana uu noqonayaa xiddigii saddexaad oo uu todobaadkan ku dhaco Korona Fayras oo uu ka tirsan kooxda Liverpool.

Xiriirka kubadda cagta Swiss ee the Swiss Football Association ayaa shaaca ka qaaday in laga helay KOFID 19, wuxuuna geli doonaa karaantiil.

“Xherdan Shaqiri waxaa laga healy Kofid 19, wuxuu la tashanayaa maamulka caafimaadka, isagoo geli doona xaalad karaantiil ah” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Swiss.

Weeraryahanka oo maalintii ugu dambeysay suuqa la la xiririnayey inuu ka tagi doono garoonka Anfield isla markaana ay doon doonayeen saxiixiisa kooxda Lazio iyo Sevilla ayaa ugu dambeyn go’aansaday inuu sii joogo oo uu la midoobi xulkiisa qaranka Switzerland.

Waxaa xanuunkan Korona Fayras horay uu u haleelay oo ka maqnaa Liverpool, Thiago Alcantara iyo Sadio Mane, Shaqiri ayaana sidaas ku noqday xiddigii saddexaad oo uu haleelo isbuucaan Korona Fayras, isla markaana ka tirsan kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here