Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Baay oo baaq udiray Bulshada Magaalada Baydhabo

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay ayaa inta badan dacwadaha ka socda maxkamadaheeda u badan arimaha isku qabsiga dhulalka taasi oo uu mudo hakad la geliyey dacwadahaasi, waxaana sii badaneya isku qabsashada dhulalka.

Xeerilaaliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo qabteen shabakad dad gaaray sagaal qof oo isku xiran kuwaasi oo ku heshiiyey in ay iibsadaan dhulalka dadka, iyagoo heysan warqado sugnaasho ama sabarloogooyinka guriyaha, waxaana xeerilaaliyaha tilmaamay in maxkamad la saari doono dadkaasi eedeysaniyaasha ah.

ugu damabeyntii Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Baay Mukhtaar Abdikadir Hussein ayaa baaq udirey Bulshada Magaalada Baydhabo uguna Baaqey in joojiyaan is qab-qabsiga la xiriira Dhulalka oo murun badan dhaliyey.

Halkan Hoose ka dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here