Xaruumaha Ganacsi ee dharka Ciyaaraha oo Baydhabo ku soo badanaya.

0
739

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa mudooyikaani waxay ay kusoo badanayaa xaruumaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee dharka isboortis sida kabaha salaxa ee loogu tala galay garoomada cooska macamilka  ah iyo kuwa leh takooyinka Banooniyaasha kala duwan sigsaamo fanaaniyaasha buufsan iyo kuwa caadiga ah.

Dhalinyarada magaalada baydhabo ee xiseeya kubada cagta ayaa hortii fanaafidaha ay ku ciyaraan oo buufsan waxaa ay ka dalban jireen magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya, balse hada waxaa meesha kaxay baahiyadii ay u qabeen.

Xarunta lagu iibiyo agabka isboortiska ee A2z waxay ka mid tahay xaruumaha dhawaan lagu soo kordhiyay magaalada baydhabo taasi oo loogu talagalay in dhalinyarada magaalada baydhabo in ay ka helaan dharka isboostiska qeybahooda kala duwan oo weli ay ka heli karaan qiimo jaban.

Arlaadi radio oo booqatay xarunta lagu ii biyo dharka isboortiska ee A2z Oo ka zoo horjeeda garoonka ku bada cagta ee Dr ayuub ayaa shaqaalaha kusugan waxaan wax ka weydinay wax yaabaha ay iibiso iyo sida ay ugu faa`ideen dhalinyarada magaalada baydhabo.

Warbixintan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here