Baydhabo(Radio Arlaadi)-Munaasabadan lagu dahfurayey Shirkada Barako Online Trading qeybteeda Magaalada Baydhabo oo ah shirkad ka shaqeysa suuqa lacagaha lagu sarifo ayaa waxaa ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada.
Waxaana ugu horeyntii dahfurka shirkadaasi ka hadlay maamulka Shirkada Barako Online Trading ,iyagoona ka sheekeeyey adeegyada ay bixiyaan.
Warkan waxaa noo heya Abdirahman Yusuf Hassan Soori