Paul Pogba oo diyaar u ah kulanka weyn ee Manchester derby

0
303

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka France iyo kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa dhaawac kaga maqan garoomada, iyadoo ay yar yihiin kullamada uu ciyaaray xilli ciyaaredkan.

“Sportsmail” ayaa fahansan in Paul Pogba uu tababar adag ku qaadanayo xerada tababarka Man United ee Carrington, isagoo ku rajo weyn in uu dib garoomada ugu soo laabto.

Hadaba, Paul Pogba ayaa ku rajo weyn uu garoomada ku soo laabto, isagoo maraya marxaladihii ugu dambeeyay kaddib qalliin looga sameeyay jillibka.

Bisha soo aadan gaar ahan 8 Maarso oo uu dhici doono Derby Manchester ayaa lagu wadaa in Ole Gunner Solsjaer uu dib u hello xiddigan.

Ku guuleysataha koobkii adduunka 2018 ayaa maalihii dambe ku sugnaa Magaalada Dubai, si uu u hello soo ka sabsasho deg deg ah.

26 sano jirkan ayaa ka mid ah furayaasha Manchester United, kuwaas oo tartan adag ugu jira in sanad ciyaaredka soo adan ay ka qeyb galaan tartanka UEFA Champions League, halka xilli ciyaaredkan ay ku dagaalamayaan hanashada Tartanka labaad ee Yurub ugu xiisaha badan ee Europe League iyo FA Cup-ka.

Paul Pogba ayaa galay labadii sano ee ugu dambeysay qandraaskisa Man United iyadoo markaasi si weyn loola xiriirinayo koxda caasimada Spain ee Real Madrid.

Pogba ayaa diirada saaraya dib ugu soo laabashadiisa kooxda Man United, dabcan ka hor koobka qaramada qaarada Yurub ee Euro 2020 oo dhici doona bartamaha sanadkan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here