Willian Borges oo sheegay sababta ay Liverpool iyo Man City ugu sarreeyaan Premier League

0
350

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Willian Borges ayaa sheegay in xasilloonida farsamada ee Liverpool iyo Manchester City ay tahay sababta ay ugu sarreeyaan horyaalka Premier League.

Willian Borges ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “ESPN” ee dalka Spain waxaa uu ku sheegay:

“Waxaan u maleynayaa in sirta ka dambeysa inay sii socdaan ay tahay in tababare Jürgen Klopp uu kooxda la joogay ku dhawaad shan sano, marka aad sii joogtana, waxaad ku guuleysan kartaa koob.”

“Waxay gaareen guulo isdaba joog ah, kuwaas oo muujiyay qiimaha kooxda, waxaad u baahantahay waqti aad wax ku qabatid, Liverpool-na waxay heysataa tababare qaab fikir dheer leh.”

“Sharcigan sidoo kale waxaad ka heleysaa kooxda Manchester City, kaas oo uu Pep Guardiola macalin u ahaa muddo dheer.”

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here