Wiil Soomaali ah oo guursaday gabadh Koonfur Afrika u dhalatay

0
299

Baydhabo(Radio Arlaadi):- Magaalada Petersburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay xaflad aroos oo aanay horay u arag Soomaalida, balse aanan ku cusbeyn bulshooyinka kale ee ku nool dalkaas.

Nin Soomaali oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Cali iyo gabar u dhalatay dalka South African oo isqabay sagaal sano ayaa hadda markale dhigtay aroos iyagoo heysta carruur.

Arrintaas ayaa noqtay mid ay siyaabo kala duwan uga hadlaan dad badan oo Soomaali ah, maadama aysan horay u arkin dad carruur heysta oo haddana dhiganaya xaflad aroos.

Sannadkii 2008-dii ayey is barteen iyadoo xilligaas daneyneysay in ay Muslim noqoto, sida uu Xasan sheegay. “Waxaan ku dhahay magaaladaas baan jooga iigu imow, diinta islaamkana waalagu barayaa”, ayuu ku yiri sida uu BBC Somali u sheegay.

Xasan ayaa tilmaamay in xafladaan arooska ee ay hadda dhigteen ay tahay mid uu ku qancinayo xaaskiisa, maadama ay aragtay in dhaqanka Soomaalida ee aroosku muhiim u yahay.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa sheegay in xaaskan uu mehersaday sannadkii 2008-dii, xilligaasina waysan xaflad aroos dhiganin, balse haatan uu u sameeyay aaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here