WHO: ‘wararka been abuurka ayaa caqabad ku noqday la dagaallanka coronavirus.

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay wararka been abuurka iyo xogaha khaldan ee la isla dhexmarayo ay caqabad ku noqdaan jawaab ka bixinta cudrkan cusub ee coronavirus.

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa warfidiyeennada u sheegay wararkaasi been abuurka iney saameeyeen shaqaalaheenna har iyo habeen ku howlan xal u helista cudurkan.

Caalamka oo dhana waxaa cudurkan cusub coronavirus laga helay dad ka badan 34,800, iyada oo tirada ugu badan ee dadkaasi ay yihiin dad u dhashay Shiinaha.

Dalka Shiinaha oo keli ah waxaa cudurkaasi u dhimatay dad ka badan 723, waddanka kale ee Shiinaha ka baxsan ee cudurkaasi looga dhintayna uu yahay dalka Philippines.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here