WHO oo Afrika uga digtay mowjado feyraska Korona ah

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO, ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ugu baaqday in ay istiraatiijiyad dhamaystiran ka yeeshaan waxa ay ku tilmaantay duufaan xanuunka Korona ah oo qaaradda ka dhici karta.
Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay shir ay khadka Internetka ku yeesheen madaxda sagaal dal oo Afrikaan ah iyo hay’adda ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay la gudboontahay in ay xilli hore sii helaan dawooyinka iyo tallaallada ay u baahanyihiin.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay go’aamisay in aan dalka oo idil la saarin bandow.
Abiy ayaa arrintaas ku sababeeyay mid ay ugu daneynayaan bulshada dalkiisa oo badankood ku tiirsan shaqooyin ay ka helaan nolol maalmeedkooda, maadaama aanay xukuumaddu masaariif u kafaalo qaadi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here