WHO iyo Tiktok oo iska kaashanaya wacyi-gelin ku aaddan Korona feyras

0
229

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo shirkadda TikTok oo ka mid ah baraha bulshada kuwooda aadka loo adeegsado ayaa iska kaashanaya wacyi-gelin la xiriirta caabuqa sii baahaya ee Korona feyras.

Wacyi-gelintan ayaa waxaa soo dedejiyay kaddib markii ay qaar ka mid ah isticmaalayaasha TikTok ay soo geliyeen muuqaallo ay ku sheegayaan in ay qabaan ama uu haleelay Korona feyras.

Sidoo kale wacyi-gelintan ay iska kaashanayaan labada dhinac ayaa waxaa ka horreeyay iskaashiyo ay WHO la yeelatay baraha bulshada ugu muhiimsan sida Facebook, Instagram, Twitter iyo kuwo kale maadaama cudurka Korona uu sii baahayo isagoona gaaray daafaha caalamka.

WHO ayaa soo gelisay TikTok muuqaal ay ku sharaxeyso siyaabaha ay tahay in looga hortago caabuqa Korona, muuqaalkaas oo lagu sharaxayo in dadku ay gacmahooda ku dhaqaan saabuun ama aalkolo, iyo sidoo kale in ay ku xirtaan afka maro ama (Mask) marka ay qufacayaan ama ay xusulka ku aadiyaan sanka iyo afka, sidoo kale marka ay joogaan goobaha daku ku badanyahay.

In aan lagu fogaan joogitsa goobaha leysugu yimaado ayaa sidoo kale kamid aheyd talooyinka.

Muuqaalka waxaa ka soo muuqatay Bendetta Allegranzi, oo ah haweney ku takhasustay cudurrada lakala qaado sida Korona oo sharaxaeysa hannaka iyo qaababka dadku u sameyn karaan ka hortagga.

WHO ayaa bixineysa dadaallo ku aaddan wacyi-gelin looga hortagayo caabuqa, kaddib markii uu gaaray in ka badan 70 dal wax kayar 4 bilood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here