Wasiir Goodax iyo Danjire Swan oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada dalka

0
249

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & tacliinta sare ee xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Ergeyga Gaarka ah ee xoghaya-guud ee qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Mr.James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyo sidii hey’adaha qaramada midoobay gacan uga geysan lahaayeen qorsheyaasha qaran ee lagu horumarinayo waxbarshada dalka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa warbixin kooban ka siiyey isbedelada ku socda waxbarashada Soomaaliya iyo hindisayaasha horumarineed ee wasaaradu garwadeenka ka tahay anaga oo la kaashaneyna bahwadaagta waxbarashada Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya-Guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Mr.James Swan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xafiiskiisu diyaar u yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here