Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in kiisas cusub oo Korona Feyras ah la helay

0
317

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda caafimaadka Soomaaliyaa ayaa shaacisya tiro kale oo dad ah kuwaas oo laga helay COVID-19 saacidihii la soo dhaafay.

Sida lagu qoray bogga Faceboog-ga ee Wasaaradda caafimaadka 48 kiis oo cusub ayaa laga helay Soomaaliya.

Kiisaska la helay ayey Wasaaraddu ku kala sheegatay in 41 laga helay gobolka Banaadir, 3 kiis Jubblaan iyo 4 laga helay Maamulka Koonfur-galbeed.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaas 31 kamid ah ay Lab yihiin halka 17 kalana ay Dheddig yihiin.

Dadka bogsooday saacadihii la soo dhaafay ayey Wasaaraddu ku sheegtay 5 ruux iyo dhimashada oo 2 qof ah kuwaas oo iyagana geeriyooday saacadihii la soo dhaafay.

Tirada guud ee Soomaaliya laga helay cudurka COVID-19 ayaa noqoneysa 528 ruux, dadka bogsoodayna 19 qof, halka dhimashadana ay gaartay ilaa 28 qof, sida ay shaacisay Wasaarad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here