Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay tiro kale oo dad ah oo laga helay cudurka faafa ee COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 24 saac ee lasoo dhaafay dadka la diiwan geliyay ay gaarayaan 44 qof oo laga helay cudurka.

35 kamid ah dadka laga helay ayey Wasaaraddu ku sheegtay in ah yihiin Lab, halka 9 kalena ay dheddig yihiin.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in bogsadeen  4 qof taas oo wadarta guud ee bogsashada ka dhigeysa 14 qof, iyo dhimashada oo ay Wasaaradda ku sheegtay 3 qof oo cusub tirada guud ee dhimashada ayaa noqoneysa 26, sida lagu qoray bogga Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here