Waqtiga Uu Furmayo Suuqa Kala Iibsiga Premier League Oo La Shaaciyay.

0
306

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Suuqa kala iibsiga xagaaga ka furmi doono ilaa iyo dhamaadka bisha Agoosto iyadoo inta badan kooxaha Premier League ay bartilmaameedsanayaan inay gacansigooda sameeyaan bisha September sida ay ogaatay jariirada Daily Mail.

Suuqa xagaaga ayaa markii hore ku jadwaleysnaa inuu furmo bartamaha bisha Juun islamarkaana uu soo xirmo 1da bisha September laakiin caabuqa Korona ayaa si weyn u bedelay qorshahaas.

Waxaa sii xoogeysanaya qorshaha ku aadan in xilli ciyaareedka horyaalada la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha July halka xilli ciyaareedka Champions League iyo Europa League la soo gabagabeeyo bisha Agoosto iyadoo xilli ciyaareedka soo socda ee 2020-21 loo calaamadeeyay inuu bilowdo bartamaha bisha September.

FIFA ayaa u sheegtay xiriirada kubada cagta ee wadamada inay iyagu go’aansadaan waqtiga uu xirmayo ama furmayo suuqa kala iibsiga.

Inkastoo ay cadahay waqtiga uu suuqa kala iibsiga ka furmayo England, hadana waxaa weli dood ay ka taagan tahay waqtiga uu soo xirmayo

Waxaa la fahamsan yahay kooxaha horyaalada hoose inay doonayaan in la dheereeyo waqtiga uu furnaanayo suuqa si looga hortago in kooxaha Premier League ay ciyaartoydooda ugu fiican ku qaataan qiimo jaban oo aysan diidi karin madaama Korona uu abuuray dhaqaale xumo.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa durbaba sheegay inay qorsheynayaan inay ka faa’ideystaan xiddigaha qiimaha jaban halka madaxa kooxda Ed Woodward uu cadeeyay isbuucii la soo dhaafay inaan la filan doonin sannadkan saxiixyo qaali ah.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here