Wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne lafta gareen oo dib baydhabo ugu soo laabtey

0
350

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynhaa Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo uu qeyb ka yahay Gudoomiyaha Baarlamanka koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa Maanta Dib ugu laabtey.

Waxana aya faafahin Ka bixiyay Safarkii Shaqo ugu Maqana Magaalada Muqdisho,isagoona Sheegey in uu Kullan La soo qaatey Madaxda Sar sare Ee Dowladda Soomaaliya iyo safiirka dalka Qadar u Fadhiya Soomaaliya

isla markaana dhamaantood ay ka wada hadleen sidii loo furi lahaa waddoyinka Deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya ,iyo sidii mashaariciyo Horumarineed looga Fulin laha koonfur Galbeed .

Dhanka kale Madaxweyne C/Casiis ayaa Sheegey in uu safar gaaban ku tagey Degmada Walaweyn Ee Gobolka Sh/hoose Isagoona sheegey in Bulshada Degmadaasi ay ka cabaneyaan Isbaarooyin, waxbarasho La’aan iyo Xaruun Caafimaad Waxana uu sheegey in sida ugu Dhaqsiyaha Badan Dowladda uga Jawaabi doonto Baahiyahaasi ka jira Degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegey in uu kullan la qaatey Saraakiisha Sar Sare Ee Mareykanka ee ku sugan xerada bali doogle, isagoona kala Hadley sidi gacan looga Siin Laha Dowladda kg Furida waddoyinka ,loona xoojin laha Howlgalada ka dhanka Al-Shabaab loogama xureen laha Deeganada kgs.

Waxaa ay noo Ballan qaadeen in ay noo dhisi Doonan Ciidamada DANAB oo ay leedahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Oo dhawaan tababarkooda Bilaaban Doono ayuu ku sii darey Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here