Wabi qof ahaan loo aqoonsaday oo maxkamad kula tiigsan kara

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sanadkii 2017, New Zealand ayaa qof ahaan u aqoonsatay Webiga Whanganui. Wixii intaas ka dambeeyayna, dalal kale ayaa raacay tallaabadaas si loo ilaaliyo deegaanka.

Webiga Whanganui oo mara bartamaha Jasiiradda Waqooyi ee New Zealand, waa mid ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee ugu muhiimsan dalkaas.

Webigan oo dhirirkiisu yahay ilaa 290km ayaa kasoo billowda dhanka waqooyi-galbeed ee Buurta Tongariro, isagoo dhex jibaaxa buuro cagaaran ilaa uu kaga darsamo Badda Tasman.

Webigan oo ay muddo qarniyo ah ilaalinayeen Qabaa`illada Whanganui – oo la baxay magaca webiga ay ku ag nool yihiin – ayaa noqday webigii ugu horreeyay dunida ee loo aqoonsado qof ahaan, amala siiyo xuquuqda dadka mid la mid ah, sanadkii 2017-kii, wuxuuna soo afjaray mid ka mid ah kiisas maxkamadeedkii ugu dheeraa New Zealand.

Maori, oo ah qowmiyad muddo degganeyd New Zealand, ayaa in ka badan 160 sano u dagaallamaysay inay helaan ilaalin sharci ah oo ku aaddan webiga.

Qomwiyadaha Whanganui ayaa ugu yaraan 880 sano ku tiirsanaa webiga – kahor inta aysan halkaasi degin dadka Yurub u dhashay. Waxay ugu tiirsanaayeen dhanka cuntada, iyagoo ku safri jiray isla markaana qararkiisa ka dhistay guryo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here