Waa kuma xiddiga aan guuldarro la kulmin kulan Premier League tan iyo 22 bishii Janaayo 2018 ee ka tirsan Kooxda Liverpool?

0
287
LONDON, ENGLAND - SEPTEMBER 15: Virgil van Dijk of Liverpool and team mate Joe Gomez celebrate following the Premier League match between Tottenham Hotspur and Liverpool FC at Wembley Stadium on September 15, 2018 in London, United Kingdom. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Southampton garoonkeeda Anfield, waxaana ay uga adkaatay 4-0, ciyaar ka mid ah kulammada 25-aad ee Horyaalka Premier League.

Kaddib kulankaasi waxa ay Wargeysyada ugu waa weyn ee kubadda cagta ka faallooda ay ka shifeen sirta ku duugan magaca Joe Gomez kaasi oo rikoor weyn oo uu qaas layahay sameeyay kulankii ay kooxdiisa guusha quruxda badan ka gaartay Southampton.

Joe Gomez ayaa lagu soo bilaabay kulankii xalay ee Liverpool, waxaana uu diwaan gashaday rikoor qaas ah, maadaama uu noqday xiddig waqti dheer ay ugu dambeeysay in uu qasaaro ama guuldarro la kulmo kulan Premier League ah.

Joe Gomez ayaa diiwaan galiyay guushiisii 30-aad ee kulammadda Premier League iyo sidoo kale 5 barbaro ah, tiyoo ay jirto in uusan la kulmin wax guuldarro ah kulan Premier League ah ilaa 22-kii bishii Janaayo 2018.

Liverpool ayaa 4-0 ku garaacday Kooxda Southampton kulankii ka dhacay Anfield shalay ee Premier League warkan ayaase taabanaya daafacooda 22-sano jirka ah ee Joe Gomez kaasi oo aan laga badinin ciyaar horyaalka Premier League tan iyo 22-ka bishii Janaayo sanadkii 2018.

Gomez ayaa 28 kulan u saftay tartammada oo dhan Kooxdiisa Reds xilli ciyaareedkan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here