Waa kee qadka dhexe ee ugu fiican adduunka?

0
330
Manchester City's Kevin De Bruyne

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Kevin De Bruyne ayaa bandhig fiican ka sameeyay kulankii xalay ee lugta hore wareega afar dhamaadka tartanka Carabao Cup oo ay 1-3 kaga soo adkaadeen Man Utd oo ay ku booqdeen garoonka Old Trafford.

Xiddigii hore ee kooxda Manchester City Micah Richards ayaa amaanay Kevin De Bruyne, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee ugu fiican adduunka.

Shabakada “Sky Sport” ayaa shaaca ka qaaday hadal uu sheegay Micah Richards inta ay ciyaarta socotay wuxuuna yiri:

“Aniga ahaan, Kevin De Bruyne waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican adduunka, dadka waxay sheegeen lacagta lagu iibsan karo si loo helo adeegiisa waa mid xad dhaaf ah, laakiin hadda qiimahiisa waxaa lagu kordhiyay saddex jibaar”.

“Marka Manchester City aysan u ciyaarin si fiican, wuxuu awoodaa inuu wax sameeyo, ha ahaato inuu ka ciyaarayo weerarka ama khadka dhexe, waxaan aaminsanahay inuu yahay ciyaaryahan had iyo jeer xal u heli kara kooxda”.

Si kastaba ha noqotee, saddexda gool ay ku adkaatay kooxda Man City ayaa waxaa u kala dhaliyay Bernardo Silva daqiiqadii 17-aad, Riyad Mahrez 33 daqiiqo, iyo gool uu iska dhaliyay xiddiga Man Utd ee Andreas Pereira daqiiqadii 39-aad ee qeybta hore ciyaarta.

Kooxaha Man City iyo Man Utd ayaa waxay kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Carabao Cup ku wada ciyaari doonaan garoonka Etihad 29-ka bishan Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here