Unai Emery oo la siiyey kulamo kooban oo uu ku badbaadsado shaqadiisa Kooxda Arsenal

0
464

Macallinka koooxda kubadda cagta Arsenal ee Unai Emery ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya taageerayaasha Arsenal iyo maamulka kooxda uu majaraha u hayo sabab la xiriirta natiijooyinka kooxda oo liita kal ciyareedkan waaana bilaabashadoodii ugu xumayd muddo kaddib.

Unai Emery Etxegoien ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay lix kulan oo uu ku badbaadsado kursigiisa kooxda Arsenal, iyadoo laga yaabo in xilli dhow  tababaraha reer Spain laga cayriyo kooxda ka dhisan London.

Macallinka Gunners ayaa kaliya kooxdiisa guul ku hoggaamiyay mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay, iyadoo guuldarradii 2-0 ee Sabtidii ka soo gaartay Leicester City ay ka dhigtay kooxda fadhisa kaalinta lixaad ee Premier League.

Intaa waxaa sii dheer Taageerayaashu waxay caro ka muujiyeen hab dhaqanka Emery ee ku aaddan Granit Xhaka iyo weliba diidmada joogtada ah ee uu u leeyahay inuu soo xusho Mesut Ozil.

Sida ay warinayso The Evening Standard  xubno ka tirsan Madaxda Arsenal ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in shaqada looga ceyrin karo hoggaamiye Emery kaddib guuldarradii Leicester City xilli ay aamisan yihiin in  lixda kulan ee soo socota la qiimeeyo fursad uu maareeyaha reer Spain wax uga badeli karo kooxda dhibaatoonaysa.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa horraantii isbuucaan sheegatay inay si wali kalsooni buuxda siinayaan  ninka ku dhashay Hondarribia ee dalka Spain oo ah Emery Etxegoien , kaasoo Arsenal maalulaya  illaa xagaagii 2018 lana wareegay shaqada kooxda caasimadda ka dhisan markii uu ka tagay Mr. Arsène Charles Ernest Wenger.

Si kastaba ha noqotee,  Kooxda Arsenal ayaa lixda kulan ee soo socota ka hor imaan doonta kooxaha kala ah; Southampton, Eintracht Frankfurt, Norwich City, Brighton & Hove Albion, West Ham United iyo Standard Liege kuwaasoo dhammaantood ah kulamo  uu hoggaamiyaha Arsenal ku badbaadsan karo kursigiisa kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here