Tartanka Baidoa Cup oo wareegii labaad loo gudbay.

0
380

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay lagu soo gabagabeeyay kulamada wareega Groupyada ee Tartanka Baidoa Cup, waxyaabihii laga bartay kulamada wareega Groupyada ayaa idin soo gudbin doona, iyo maalmaha ay ciyaari doonaan kooxaha soo baxay iyo kooxaha sida ay isku aaday yihiin.

MAXAYNU KA BARANAY INTA LAGU GUDI JIRAY KULAMADA WAREEGA GROUPYADA ?

-Kooxaha Baaysom, Sh’asharow, Gaadiidka, waa kooxaha aan laga badin Dhamaan seddaxdii kulan ay ciyaareen 9 Dhibcood Nadiif ah ayay gacanta ku dhigeen.

-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Sh’asharow2 xiddiga Lagu Magacaabo Buulbuule ayaa ah xiddiga keliya Red Card ama Roose lagu abaalmariyay inta lagu gudi jiray wareega Groupyada tartanka Baidoa Cup.

-Xiddigaha Adan Isxaq abdi Adan goal oo Holwadaag ah iyo Xuseen Mustaf Abdi oo Baaysom waa labada Ciyaaryahan Seddaxleey ama Hatrik gaaray inta lagu gudi jiray wareega Groupyada.

-kooxaha Gaadiidka, Baaysom, Holwadaag waa kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyeen inta lagu gudi jiray Groupyada Min 12goal ayay Dhaliyeen.

-Naadiga Holwadaag united ayaa Noqotay kooxda keliya goolasha ugu yar ka dhalisay inta lagu gudi jiray Groupyada.

-Xiddiga Naadiga sh’asharow Cumar Akuuke ayaa Noqday Ciyaaryahanka keliya hal kulan 2 jeer free-kick ka dhaliya wareega Groupyada.

GOORMEE LA CIYAARI DOONO WAREEGA 8aad ee Tartanka Baidoa Cup kooxaha sidee is kugu aadan yihiin ?

SIDAN AYAY IS KUGU AADAN YIHIIN KOOXAHA

Horseed vs Gaadiidka
Sh’asharow vs Shimiteeri
Baaysom vs BBG
Holwadaag vs X.Busley

GOORMEE LA CIYAARI DOONA KULAMADAN.

-Horseed vs Gaadiidka Maanta  oo Arabaco ah 15/January.

Sh’asharow vs Shimiteer: Maalin Khamiis ah 16/January.

Baaysom Vs BBG: Maalin Jimco ah 17/January.

Holwadaag Vs X.Busley: Maalin Isniin ah 20/January.

Kulamadan waa Neck-out Koox Welbana waa Nasiibkeeda.

Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here