Talyaaniga oo gebi ahaanba bandow la geliyay

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dhammaan dadka ku nool Talyaaniga ayaa loo sheegay inay guryahooda ku nagaadaan xilli uu si ba’an u faafayo caabuqa Corona ee dadka badan ku laayay dalkaasi.

Waqooyiga Talyaaniga ayaa bandowga markii hore lagu soo rogay, hase yeeshee maadaama ay sii badanayaan dadka u dhimanaya xanuunka ayaa ra’iisal wasaare Giuseppe Conte waxa uu sheegay in loo baahan yahay “tallaabooyin adag” si wax looga qabto faafidda cudurka.

Dadweynaha ayaa laga mamnuucay inay isugu tagaan fagaarayaasha, halka goobaha waxbarashadana la xiray ilaa 3-da bisha dambe.

Waxaa sidoo kale hakad la geliyay dhammaan ciyaaraha kala duwan ee dalkaasi.

Keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u soo baxaan ayaa loo oggol yahay inay socdaalaan.

Mr Conte ayaa ku tilmaamay xanuunkan saf-marka ah mid “xilli mugdi ah” u horseeday dalkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay ka guulaysan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here