Tababare Gareth Southgate oo qaranka England ka aqbalay heshiis dhaxal-gal ah

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tababaraha xulka qaranka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa diyaar u ah inuu xulkiisa la wajaho dhibaatada dhaqaale ee uu sababay xanuunka coronavirus.

Macallinka qaranka Saddexda Libaax ayaa ogolaaday inuu mushaharkiisa ka jaro boqolkiiba soddon (30%), si xiriirka kubadda cagta dalka Ingiriiska ay ula tacaallaan xaaladda dhaqaale ee ka taagan inta ugu badan qaaradda Yurub.

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee Football Association (FA) ayaa rajeynaya inay ku dhowaaqaan heshiiskan maalmaha soo aaddan, balse waxaa la rumeysan yahay in Southgate uu horraan aqbalay inuu dhimo mushaharkiisa.

49-sano jirkan ayaa qaranka England xukunkiisa la wareegay sanadkii 2016, waxaana uu ammaan ku muteystay in qarankiisa uu ku hoggaamiyo inay gaaraan wareegga nus-dhammaadka koobkii adduunka ee lagu qabtay Ruushka sanadkii 2018.

Tallaabadan uu qaaday Southgate ayaa horseed u noqon karta in ciyaartoyda kooxaha England ka dhisan ay iyaguna ka tagaan qayb ka mid ah mushaharka ay ka qaataan kooxahooda.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here