PSG oo kula dagaalameysa Barcelona saxiixa xiddig qadka dhexe kaga ciyaara Tottenham

0
287

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Paris Saint-Germain ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga qadka dhexe reer France iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Tanguy Ndombele, kaasoo ay sidoo kale bar-tilmaameed ka dhiganeyso Barcelona marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay tartamada kubadda cagta oo dhan, sababa la xiriira faafaha Coronavirus, laakiin kooxaha wali ma aysan joojin qorsheynta mustaqbalka, waxayna naadiyada waa weyn ee Yurub ay sii go’aamiyeen bar-tilmaameedkooda suuqa.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo Araújo uu xiiseynayo inuu lasoo saxiixdo xiddiga Tottenham Hotspur ee Tanguy Ndombele.

Sidoo kale wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Barcelona ay xiiseyneyso soo qaadashada Tanguy Ndombele oo haatan 23 jir ah, iyadoo ay Barca u aragto in laacibkan ay ka faa’iideysan karto kooxda.

Tottenham Hotspur ayaa kaga soo qaadatay 23 jirkan kooxda reer France ee Olympique Lyon qiimo dhan 60 milyan euro, laakiin wuxuu u muuqdaa  uusan la qabsan horyaalka Premier League.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here