Tababar looga hadlayey joojinta gudniinka fircooniga oo lagu qabtay Magaalada Xudur

0
271

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah, Dhulka ay Soomaalida dagto ayaa ka mid ah goobaha sida wayn looga isticmaalo gudniinka fircooniga ah. Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada caalamka tirada ugu daban ee gabdhaha la gudo.

Deegaanada baadiyaha ee hoos taga degmooyinka Gobalka Bakool ayaa ka mid ah meelaha weli ka jira Caada dhaqameedkaasi ee gabdhaha loogu gudo si fircooni ah, waxeyna si loo joojiyo u baahan tahay Wacyegelin fara badan oo ku aadan dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga iyo waxyaabaha ka dhalan karo.

Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool Waxaa lagu qabtay Tababar wacyegelin ah kaasi oo si wada jir ah ay u qabteen Hay,adaha Intersos iyo NGO maxaliga ah ee Wardo.

Ugu horeyntii waxaa muhiimada ay leedahay in bulshada laga wacyegeliyo dhibaatada gudniinka fircooniga sharaxay Mowliid Abdullahi Aadan oo ah madaxa xafiiska Hay,adda Wardo ee Magaalada Xudur.

Warkan waxaa noo heya Abdirahman Yusuf Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here