Soomaaliya oo xaqiijisay kiisas kale oo Korona Feyras ah

0
322

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas kale oo COVID-19 ah oo ku soo kordhay Soomaaliya, baaritaanno la sameeyay saacadihii la soo dhaafay ayaa lagu ogaaday 36 kiis oo korona feyras ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay 47 qof oo la baraay in cudurka COVID-19 laga helay 36 qof oo kamid ah.

“Saacadihii ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Bukaanada cudurka laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano, sida ay sheegtay Wasaaradda .

Tirada Soomaaliya ugu geeriyootay cudurkan COVID-19 oo ay Wasaaradda Caafimaadka xaqiijisay ayaa gaareysa ilaa 6 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here