Soomaaliya oo laga baqayo inuu ku soo rogaalceliyo cudurka Karoona Feyris

0
259

 Iyagoo meelo badan oo dunida kamid ah uu ku soo labakacleeyay cudurka Karoona Feyris ayaa qaar kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay muujiyeen Walaac xooggan oo ku aaddan in Soomaaliya uu mar labaad ku soo rogaal celiyo cudurka Karoona Feyris iyada guud ahaan dalka laga qaaday dhammaan xayiraadihii looga hortagayay faafidda cudurka Karoona Feyris.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay dalka laga helay 157 kiis oo cusub oo ah xanuunka Karoona Feyris kadib markii baaritaan lagu sameeyay 2,704 qof.
Afhayeenka guddiga la socodka xaaladaha Karoona Feyris ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Cabdiwali Axmed Xiirey oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wacyigelintii la soo celiyo maadaama laga yaabo inuu cudurka soo rogaal celiyo.
“Waxyaabaha hadda loo baahan yahay waxaa kamid ah in wacyigelintii kor loo qaado saxaafadana lagu soo celiyo, goobaha waxbarashada iyo meelaha la isugu yimaadana in la raaco tilmaamaha loogu hortegayo faafidda cudurka ee kamidka yihiin gamo dhaqashada iyo in la kala fogaado” Ayuu yiri Dr Cabdiwali Xiirey.
Guud ahaan kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalka oo dhan ayaa ah 3,745, halka dhimashadu ay weli taagan tahay 99 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here