Baydhabo(Radio Arlaadi)- Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan oo noogu harsantahay maalmo kooban ayaa bulshada ku nool Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay waxay intooda badan ay yihiin kuwa u diyaar garoobaya Balse Ramadaankaan Ay Sheegeen Inay jiraan Caqabado Adag Oo Hoos u dhigay Heerkii ugu diyaar garoowi jireen oo ay ka mid yihiin sara u kaca ku yimid qiimaha raashiinka noocyadiisa kala duwan sida bariiska burka timirta caanaha hilibka salliida iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan.
Warbixintan Waxaa inoo haysa Maryan Macalin Abshir