Shirkii Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha uga socday Magaalada Baydhabo oo la soo gaba gabeeyey.

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shir laba maalmood qaatay oo ay ku kulan sanaayeen wasaaraddaha xannaanada Xoolaha Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa ku soo gaban gaboobay magaalada Baydhabo iyadoona laga soo saaray war-murtoyeed.
Shirka ayaa ahaa mid looga doodayey sidii loo hormarin lahaa Xoolaha dalka, iyadoona u daba socday shirka istaraatiijiyad sanadkii 2019 kii ay dejisay wasaaradda Xannaanada Xoolaha dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoona u jeedadada istaraatiijiyaddaas ay ahayd kobcinta wax soo saarka xoolaha dalka.

Waxaa shirkan kala qeyb galay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda dhexe midoowga Yurub, oo u keenay mashruuc ay doonayaan in baahiyaha lagu fulinayo ay ka doodaan Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Dowladda dhexe, si ugu yaraan mashruuca uu u noqdo mid waxtar leh oo ku salaysan baahiyaha ay qabaan xoola dhaqatada dalka.

Maxamed Cumar Nuur agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlada faderaalka soomaaliya oo u waramaayay warbaahinta KG ayaa waxaa uu kahadlay shirka labada maalin magaalada baydhabo uga socday.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here