Shirkado ku howlan soo saarista hab COVID-19 aad isaga baari karto adoo jooga gurigaaga

0
233

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Muddo bilo ah khubarada caafimaadka bulshada waxay si xamaasad leh ula socdeen shirkadaha soo saara tijaabooyinka candhuufta ee Koroona feyras ee guriga lagu isticmaali karo, iyagoo daqiiqado gudahood ku soo saari kara natiijada.

Haddii tijaabooyinkan candhuufta ee degdegga ah ay shaqeynayeen, sida maqaallo badan ay tilmaameen, waxay si weyn u ballaarin karaan tirada dadka la baarayo.

Khubarrada qaar ayaa xitaa sheegay inay waxqabad muuqda ka sameyn karaan hannanka soo saarista tallaal lagu xakameynayo faafitaanka Koroona Feyras.

Laakiin ilaa iyo hadda, teknolojiyaddu uma xallin caqabada Covid-19 sidii laga filaayey.

E25Bio iyo Ora Sure, oo ah laba shirkadood oo baaritaano degdeg ah ku haya qaab aad isaga baari karto Koroona adoo jooga Gurigaaga ayaa ka tanaasulay dadaalka agabkooda loogu isticmaalo candhuufta si loo baaro Covid-19.

Tijaabadooda, oo lagu ogaanayo qaybo ka mid ‘coronavirus protein’ ee loo yaqaan antigens, ayaa hadda ku tiirsanaan doona suufka sanka.

“Haddii aan sharad gelin lahaa waxaan dhihi lahaa waxay noqon doontaa mid aad u adag in baaritaanka ku saleysan antigen-ka lagu shaqeeyo shaybaarada candhuufta,” ayuu yiri Bobby Brooke Herrera, aasaasihii E25Bio iyo madaxii fulinta.

Labada shirkadood waxa ay isku howleen candhuufta ama “dareeraha afka,” marka laga hadlayo muddo bilooyin ah iyagoo damacoodu ahaa soo saarista agab candhuufta lagu baari karo si loo ogaado COVID-19.

Waxayna ku micneeyeen in tijaabada candhuufta ay ka fududahay kana dhibyartahay marka bukaan uu iska baarayo feyras, waayo bey yiraahdeen suufka sanka lagashanayo wuxuu wataa xaalad xanuun leh.

Khubarrada soo saareysa hannaankan fudud ayaa sheegay in baaritaannada hadda lagu sameeyo COVID-19 dhanka sheybaarrada ay tahay mid qaadata waqti dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here