Shirkadda Boeing oo si kumeelgaar ah u hakineysa sameynta 737 max

0
281

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa sheegtay in ay si kumeelgaar ah u hakin doonta sameynta diyaaradda nooceedu yahay 737 max, marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2020-ka.

Shirkadda ayaa muddooyinkii dambe sameyneysay diyaaradda 737 max, xitaa kadib markii shirkado badan ay joojiyeen isticmaalka 737 max, kadib markii ay dhacday laba jeer.

Inkabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay, kadib markii diyaaradda 737 max ay ku burburtay dalalka Indonesi iyo Itoobiya, waxaana sababta ay diyaaradahaas u dhaceen lagu sheegay cillad ka jirta naqshadda cusub ee loo farsameeyay diyaaradda.

Shirkadda Boeing ayaa rajeyneysay in isticmalaka diyaaradan markale dib loo bilaabo dhamaadka sanadkan, hasayeeshee hey’adda xakameysa badqabka duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda 737 max aysan si dakhsi ah ugu laaban karin hawada ilaa iyo inta xal looga helayo cillada heysata.

Shirkadda Boeing ee fadhigeedu yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kamid ah shirkdaha Mareykanka ee inta badan wax u dhoofiya dibadda.

War qoraal ah oo ay soo saartay Boeing ayaa lagu sheegay in aysna shaqada ka eryi doonin shaqaalihii ku lugta lahaa sameynta diyarada 737 max, balse joojinta sameynta diyaaradaas waxaa ay saameyn doontaa dhaqaalaha Mareykanka iyo dadkii ay shirkadda ka iibsan jirtay qalabka lagu smaeeyo diyaaradda.

“In aan si nabdoon markale dib usoo celino diyaaradda nooceedu yahay 737 Max waa ahmiyadeena koowaad,”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Boeing.

“Waynu ognahay qaabka loo maro meel marinta dib usoo noqoshada 737 max iyo sida ay inooga go’an tahay in tababaro ku haboon loo sameeyo, si loo xaqiijiyo in hey’adda badqabka duuliimaadyada , macaamiisheena iyo dadweynaha ku duulaa diyaaradaheena ay kalsooni ku qabaan 737” ayay raacisay Boeing.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, aqalka Kongreska ee Mareykanka ayaa waxaa loo sheegay in hey’adda badqabka duulimaadyada ee Mareykanka ay ka war qabtay khatarta kale ee kasoo wajahan 737 max, kadib burburka diyaaradii koowaad ee Indonesia.

Qiimeyn ay sameysya hey’adda maareynta duulista hawada ee Mareykanka ayaa muujineysa in burbur kale ay wajihi doonaa diyaaradahaas, haddii aanan wax ka badel lagu sameynin qaabka loo nashqadeyay 737 max.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here