Sergio Ramos oo ammaan ka helaya mid ka mid ah halyeeyada kooxda Real Madrid

0
454

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa wuxuu ammaan ka helay mid ka mid ah halyeeyada Los Blancos, kaddib wax qabadkiisa Real.

Kabtankii hore kooxda Real Madrid ee Fernando Hierro, ayaa ku ammaanay Sergio Ramos qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Los Blancos isagoo xusay inuu yahay ciyaaryahan aan caadi aheyn.

Sergio Ramos ayaa kaddib ciyaartii ugu dambeysay oo Real Madrid ay kula ciyaartay Osasuna horyaalka La Liga, wuxuu noqday ciyaaryahankii Shanaad ee ugu safashada badan Los Blancos horyaalka Spain, kaddib markii uu kaga soo muuqday 440 kulan.

Ramos ayaa u suurtogashay inuu goolal dhaliyo xilli ciyaareed kasta tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray kooxda Sevilla 2005-tii.

Haddaba Fernando Hierro ayaa wareysi uu ku bixiyay Website-ka rasmiga ah ee horyaalka La Liga dalka Spain:

Image result for Fernando Hierro and Ramos

“Xaqiiqdii Sergio Ramos waa ciyaaryahan cajiib ah, sanado kahor, daafacyada waxay heli jireen fursad ay goolal ka badan kuwo hadda ay dhaliyaan, badanaa waxaan ka ciyari jirnay qadka dhexe, laakiin qarnigan 21-aad, Ramos waa ciyaaryahan aan caadi aheyn”.

“Gerard Pique sidoo kale wuxuu dhaliyay goolal badan, laakiin Sergio Ramos waa mid aan caadi aheyn, marka loo eego tirada goolasha uu dhaliyay intii uu ciyaarayay oo dhan, ha ahaato Real Madrid ama xulka qaranka Spain”.

Waxaa xusid mudan in Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos uu dhaliyay 115 gool xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here