SAWIRO:-Wasiirka Tamarta KGS oo maanta baydhabo dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo dibadda ugu maqanaa

0
378

Wasiirka wasaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo safar shaqo ugu maqanaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtey Baydhabo waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay wasiiro ,Xildhibaano ,agaasimiyasha wasaradaha KGS, ururada Bulshada qeybahooda kala duwan ,iyo Mas’úliyiin kale .

wasiirka ayaa dalalka Norway iyo Sweden ugu qeyb galey shirar looga hadlaayay biyaha iyo Korantada,waxana uu shaagey in uu la soo kulmeyay kambaniyo kashaqeeya tamarata iyo khayraadka biyaha ,wuxuuna wasiirka sido kale kullan la yeeshay jaaliyada kgs dalka Norwey iyo Sweden isagoona ku booriyay in dalkooda horumarkiisa ay ka qeyb qataan ,

Abdullahi ganey Wasiir kuxigeenka wasaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha dowlad Goboleedka KGS ,ayaa wafdiga wasiirka Baydhabo kusoo dhaweyay.

iman Ali Abdi Wasiirka wasaradda tamarta iyo khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa kawarbixyay safarkii shaqo uu ugu maqanaa dalalka dibadiisa iyo shararkii halkaasi uga qeyb galey waxyaabihii ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here