Munaasabad ay ku qalan jebinaayeen ku dhawaad 50 arday oo baratay quraanka kariimka oo maanta lagu qabtay baydhabo

0
305

Baydhabo (Radio Arlaadi) Munaasabada oo shahaadooyinka lagu gadoon siinaayey ku dhowaad 50 ardey ah oo Ka qalanjibisey Madarsada Cibaadu Raxmaan Ee Barashada Xifdinta qur’aanka kariimka ayaa lagu qabtey magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay .
Munaasabadan oo aheyd mid si xeer sare ah loo soo agaasime ayaa waxaa ka soo qeyb galey masuulinta midowga iskuulada Maamuliyaal Waaladiin Iyo ardeyda wax ku barata Madarsada Cibaadu Raxmaan Ee Barashada Xifdinta qur’aanka kariimka

Intii ay soctey munaasbada ayaa Ardeyda xaflada loo qabtey halkaas ka soo bandhigey waxyaabihii lagu barey madarasada.

Qaar kamid ah waaladiintii ka soo qeyb galey munaasabada ayaa sheegey in ay ku farxsan yihiin in caruurtood ay manta shahadooyin la godoonsiiyo.

Qaar kamid ah masuulintii ka soo Qeyb munaasabada ayaa u hambaliyeyey dhamaan ardeyda manta ka qalan jibisey ayagoona sidoo kale amaan iyo bogaadin usoo jeediyey maamlka iyo maclimiinta Madarsada Cibaadu Raxmaan Ee Barashada Xifdinta qur’aanka kariimka.

maamulaha Madarsada Cibaadu raxmaan Ustaad cali maxamuud xasan Ayaa umahadceliyey Dhamaan waalidiinta caruurtooda wax kubartey Madarsada Cibaadu Raxmaan.

@Raxma Salaad Abdullahi:- Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here