Sawiro:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta

0
289

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa looga hadlay sidii kooxaha Argagaxisada looga hor istaagi lahaa Askareynta Carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.

Virginia Gamba, oo Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa bogaadisay dedaallada Dowladd Goboleedka kgs ee ku aaddan dib-u-habeynta Ciidanka oo qeyb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda Carruuta.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen , ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in Dowladdu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto Dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tallaabooyinka loo qaaday xasilinta Dalka, arrinaas oo horseedeysa in Carruunta iyo dhammaan Bulshadu ay helaan nabad waarta.

Kulanka oo ay Goobjooga ahaayeen Xubno Ka tirsan Golaha Wasiirada DGKS Taliyaha Ciidanka Booliska G baay Saraakiil kasocotay Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60aad iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Amniga

Kulanka inta uu Socday badankiisa Waxa uu ahaa Mid looga hadlayey Sidii Kooxaha Argigixisadu looga Hortagi lahaa Askaraynta Caruurta aan Weli Tabar gelin ay ku Sameeyaan kulanka oo ahaa mid Saacado qaatay markii soo Cidlaadey Waxaa Warbaahinta Si wadajir ah ula Hadlay Madaxda

Virginia Gamba oo Ah Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Caruurta ayaa ugu horeyn Warbaahinta la hadashay Waxayna Shegtay in Safarkooda Somaliya uu yahay sidii ay uilaalin lahayeen Xuquuqda Caruurta iyo Haweenka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa Shegey in kulanka muhiimadiisa uu ahaa Sidii looga hortagi lahaa kooxaha Cadaysay inay Mustaqbalkooda ay ku Ciyaaran Caruurta Somaliyeed Sidii loo badbaadin lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here