Sawiro:- Kusimaha Madaxweynaha KG Oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Wafdi uu Hogaamineyo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo Baydhabo soo gaarey.

0
370

Wafdi uu hogaaminaayo Safiirka Dowladda Saweden u fadhiya Soomaaliya Ambassadir Staffan Tillander ayaa maanta Soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay , Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS , wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS.
Safiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulumo kala duwan la yeeshay Wasiirada ,Xildhibaanada Baarlamanka KGS, Ururka Haweenka ,waxana ugu horeen kullan socado badan qaatey la yeeshay Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka KGS.
Wasirka wasaradda Qorsheynta ,Tamarta Iyo Khayradka Biyaha ,Garsoorka ,Arrimaha Gudaha , Caafimaadka ,kullanka oo ay goob joog ka ahaayeen Labada Guddomiye Kuxigeen ee Baarlamanka KGS.
Waxana kullanka intiisa badan looga hadley horumarka iyo baahiyaha ka jira Deeganada KGS , sida Arrimaha Amaanka ,Caafimaadka, iyo Qodobo kale.
Waxana Dowladda Sweden ay ballan qaadey In ay wax badan ay ka qaban doonan Baahiyaha gaarka ah ee ka jira Deeganada KGS.
Dhanka kale Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa uu kullan la qaatey ururka Haweenka Deeganada KGS , kullankaasi oo ay qeyb ka eheed wasiirka wasaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul insaanka Dowad Goboleedka kGS Maro Fa’iso Shariif.
Waxana kullanka la isku dhaafsadey baahiyaha Ka jira KGS ,iyo Aqabadaha ku hordadban Horumaka deegnada KGS Ururka Haweenka KGS Iyo wasaradda ayaa warbixino ka siiyeen Safiirka ,Baahiyaha loo bahan yahay in Dowladda Sweden ay wax kala qabato.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ahna Guddomiyaha Gollaha wakiilada KGS Mudane Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa ka warbixiyay Ujeedada Wafdiga Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Maanta usoo gaareen Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here