Sadio Mane oo la tilmaamay kooxda uu jeclaan lahaa inuu ku biiro haddii uu ka tago Liverpool

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wargeyska “France Football” ee dalka Faransiiska ka soo baxa ayaa wuxuu tooshka ku ifiyay mustaqbalka weeraryahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane, iyo kooxda uu doonayo inuu ku biiro haddii uu ka dhaqaaqo Reds.

Wargeyska ayaa warbixintan uu daabacay wuxuu cinwaan kaga dhigay “Real Madrid ama waxba”, taasoo muujineysa in ciyaaryahanka uu ku riyoonayo inuu xirto maaliyada Los Blancos, isla markaana uusan ku fikireyn inuu ku biiro koox kale.

France Football ayaa xaqiijisay labo sano kahor in Zinedine Zidane uu doonayey inuu la saxiixdo Sadio Mane xagaagii 2018, wuxuuna carabka ku adkeeyay in heshiiska uu xilligaas dhici lahaa, balse is casilaada Zidane ayaa sababtay in wax walba la joojiyo.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Liverpool aysan ka mid aheyn kooxaha ku fikiraya inay iska iibiyaan ciyaartoydooda xilligan la joogo, laakiin ay diyaar u tahay inay ku iibiso, laakiin ay diyaar u tahay inay ku bixiso 150 milyan euro haddii Real Madrid ay diyaar u tahay inay bixiso lacagtaas oo kale.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here