Sadio Mané oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019.

0
306

Baydhabo (Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mané ayaa la hadlay warbaahinta kaddib markii uu xalay ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019.

Magaalo xeebeedka Hurghada ee Waddanka Masar ayaa caawa lagu guddoonsiiyey xiddiga reer Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019.

Sadio Mané ayaa wuxuu abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019 ee uu caawa ku guuleystay ku garaacay xiddigaha kala ah saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Maxamed Saalax iyo Riyad Mahrez.

Sadio Mané ayaa kaddib markii ay xaflada soo idlaatay u la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Maxamed Saalax waa saaxiibkey qaali ah waxaana sii wadi doonnaa inaan ka wada ciyaarno sanado badan kooxda Liverpool, si aan ugu raaxeyno kuwa jecel kubadda cagta”.

“Riyad Mahrez waa xidig wanaagsan, wuxuuna bandhig fiican ka sameeyay kooxdiisa Manchester City iyo xulkiisa qaranka Algeria xili ciyaareedkii la soo dhaafay”.

“Laakiin anigana sidoo kale waxaan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxaana guuleeytay qofka u qalmay”.

“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan ku bedesho abaal-marinta Xiddiga Sanadka Afrika, koobka Qaramada Afrika sababtoo ah inaad kula guuleysato wadankeeyga koobka qaarada ayaa igaaga fiican wax walba ee aan heeysto”.

Waxaan rajeynayay inaan ku guuleysto abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika iyo koobka Qaramada Afrika, laakiin waxaan heysanaa xul aad u adag, waxaanan ku laaban doonaa inaan u tartano hanashada horyaalnimada soo socota”.

Waxaa xusid mudan in Maxamed Saalax uusan ka qeyb-galin xafladdii xalay ee CAF Awards kaddib markii uu ogaaday in Sadio Mané uu yahay guuleystaha abaal-marintan, maxaa yeelay wuxuu rajeynayay inuu ku guuleysto markii seddexaad oo xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here