Ruushka oo gurmad dawo ah u diray dalka Mareykanka

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ruushka ayaa qalab caafimaad u diray dalka Mareykanka si uu gacan uga siiyo cudurka Karona oo dalka Mareykanka fara ba’an ku haya, kaddib markii ay wada hadaleen labada Madaxweyne ee Ruushka iyo Mareykanka.

Kaddib wadahadal khadka taleefoonka ah, diyaarad ay leeyihiin Milatariga Ruushka oo sidda agab caafimaad ayaa ka duushay Moskow iyadoo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee JohnF. Kennedy gelinkii dambe ee Arbacada.

Tirada dadka Mareykanka ugu dhintay xanuunka sida fudud ku faafa ee Karona ayaa gaartay 4,600 oo ruux, iyad oo dadka uu ku dhacayna lagu sheegay in ay ka gudbeen 200,000 oo ruux gudaha dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here