Ra’isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday

0
297

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ra’isal wasaare dalka Hindiya Narendra Modi ayaa cafis ka dalbaday shacabka dalkiisa kaddib marki dalkaasi xayiraadda lagu soo rogay ay saameysay malaayin shacab ah.

Dowladda Hindiyana waxaa dhinacyo badan uga imanaya dhaleeceyn ku aaddan iney xukumadda Delhi iyada oo aan qorsha dajisan ay xayiraad dalka ku soo soo rogtay.
Mr Modi oo farriintiisa toddobaadlaha shacabka dalkaasi u jeediyey ayaa raalli gelin ka bixiyey saameynta xayiraadda ay shacabka dalkaasi u geystay.

Isaga oo sheegay inuu dalka Hindiya uu geeri iyo noolal u dhaxeeyo lana jooga xilligi dalkaasi la samata bixin lahaa.

Ku dhawaad 1.3 billion oo qof oo ku nool dalkaasi Hindiya ayey shaqa la’aan iyo gaajo soo foodsartay xayiraaddaasi awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here